WADDANI Oo Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE Ka Dalbaday Inuu Soo Caddeeyo Qaran-dumis-nimo Uu Ku Eedeeyay Guddoomiye CIRRO
August 1, 2017 - Written by Berbera Today
“Guddoomiyuhu wuxuu Munaasibaddaa u tagi waayay wuxuu Saluugay Baratoolka..” Afhayeenka WADDANI
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka jawaabay eedaymo uu doraad Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi u jeediyey Dhiggiisa Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey Munaasibad Wasaaradda Qorsheyntu ku soo bandhigay Wejiga labaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, ayaa Guddoomiyaha WADDANI oo Munaasibadda oo lagu casuumay ku eedeeyay inuu yahay Qaran-dumis, sababta aanu uga soo qayb-gelina tahay inaanu Raali ka ahayn Qorshaha Horumarinta Qaranka.