“Xisbi La Wareejinayaa Ma Jiro Maxamuud Xaashoow, Hadduu Ina Biixi Guulaystana Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Baa Soo Guuraya Oo Gudoomiye Noqnaya…”Suldaan Cabdiladiif Kafurfuro
August 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdiladiif Maxamed Faarax oo sheegay inuu ka mid yahay Salaaddiinta Beesha Bariga Burco, ayaa ku eeddeeyay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi inuu fadqalalo ka dhex wado xisbiga Kulmiye, isla markaana wuxuu ugu baaqay inuu faraha kala baxo arrimaha xisbiga oo uu ku koobnaado shaqadiisa dawladda.
Suldaan Cabdiladiif Maxamed Faarax hadalka uu siiyay Shabakada Baraarug wuxuu eedo badan ugu jeediyay Wasiir Maxamuud Xaashi, waxyaabuhuu ku dhalliilay waxa ka mid ah olole uu sheegay inuu ka dhex wado Xisbiga Kulmiye oo uu ku doonayo jagada Gudoomiyaha, isla markaana wuxuu ku tilmaamay doonistaa mid guracan oo aan suurtagal ahayn.