Ciidanka Waddooyinka Oo Qabtay Gaadiid Dawladeed Oo Taariko Shacab Lagu Xidhay
August 2, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Gaashaanle sare Faysal Xiis ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen tiro gaadiidka dawlada ah oo lanbarkoodii laga badlaay isla markaasna ay ku celiyaan wasaarada hawlaha guud oo arimahaas u xilsaaran.

Xukuumada ayaa dhawaan soo saartay in la sugo amniga gaadiidka dawlada oo laga cabsi qabo in qaarkood la’la baxsado mudada dalku uu doorashada ku jiro. Waxa uu sarkaalkani arimahan u sheegay tilifishanka Eryal waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi “Ilaa dhawr baabuur waanu qabanay, kii la qabtana waxaa la gaynayaa hawlaha guud waa amar guud oo dawlada ka soo baxay, dadka wata waxaanu ka codsanaynaa inay lanbarkii saxda ahaa ee GT ay ku xidhaan.”