Berbera”Wiil Dhalinyaro Ah Oo Aroos Isu Diyaarinaayay Oo Isdeldelaad Nafta Iska Gooyay Iyo Sababta Keentay
August 2, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Alle Ha Unaxariiste Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Daauud( Riyaale )oo kamid ahaa shaqaalaha shirkada Bare Construction Xafiiska Berbera ayaa sida la sheegay habeenkii xalay ahaa Isku deldelay gurigiisa oo kuyaala Xaafada xudhuunka ee Berbera.
Marxuumka ayaa dhalinayato ay saaxiib ahaayeen usheegeen Shabakada Wararka ee Berberatoday.com inuu Isu diyaarinaayay Aroos oo guriga uu isku deldelay uu hada uu kiraystay dhigayna Alaabtii gurig ee uu ku aroosan lahaa iyada oo haweenayda uu qabay ee uu aroosan lahaana joogtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.