Ciidanka Socdaalka Wajaale Oo Qabtay Beer Iyo Kelyo Sharci Darro Lagu Soo Gelinayay Somaliland
August 2, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee gobolka Gabiley fadhigooduna yahay Wajaale ayaa toddobaadyadan la tacaalaayay hilib qalan oo talaagadaysan islamarkaana ah kootarabaan kana kooban beer iyo kelyo oo sifo sharci darro ah dalka Somaliland lagu soo gelinayay.

Taliyaha laanta socdaalka iyo ilaalada xuduudaha gobolka Gabilay gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan oo dhacdadan uga waramay Geeska Afrika ayaa yidhi “Waxaanu usbuucanba la tacaalaynay shixnado beer iyo kalyo ah oo ku jira talaagado iyo karaatoon hilibkaasi oo ah mid ganacsi ahaan loo wado cadadkiisuna yahay ku dhawaad 1000 xabo beer ah iyo ilaa 3000 kun oo kalyo ah ahna mid ay xaaladiisa caafimaad iyo nadaafadeed liidato ayaanu maalmahanba kula tacaalaynay xuduudka wajaale kaasi oo inagaga imanaaya dhinaca itoobiya kagana soo gudba sifo sharcidaro ah oo kootarabaana lagana keeno sida ay dadka sitaa xuseen magalada dhagaxle ee Itoobiya.”