berberatoday.com
Dawlada Qatar oo Dacwado Ka Gudbisay Sadex Ka Mid Ah Dalalka Xidhiidhka U Jaray
August 2, 2017 - Written by Berbera Today

Doha(Berberatoday.com)-Dawlada dalka Qatar ayaa ururka ganacsiga adduunka ee WTO u gudbisay dacwad ka dhan ah saddex ka mid ah dalalka carbeed ee xidhiidhka u jaray bishii June ee sanadkan, iyaga oo ku eedaynaya inay taageeraan argagixisada.

Dacwadan  ayaa ku baaqeysa wada-hadallo ay Qatar la yeelato dalalka Sacuudiga, Bahrain iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo billaabeysa muddo lixdan maalmood ah oo dalalkan ay ku xaliyaan xiisadooda, ama ay wajahaan ganaaxyo.

daw qatar

Saddexdan dal iyo Masar ayaa xidhiidhkii diblomaasiyeed u jaray dawlada Qatar iyaga oo ka xidhay xuduudahooda dhulka iyo hawada 5-tii June, sababo la xidhiidha inay taageerto xagjiriinta.

Qatar ayaa beenisay inay taageerto argagixisada, waxaana ay sidoo kale ku gacan saydhay dalabyo dhawr qodob ka kooban ayaa  afartan dal soo jeediyeen, si Qatar ay uga qaadaan xanibaadda.

Ashtakada Qatar, ayaa waxaan ku jirin dalka Masar, hase yeeshee waxa ay saddexdan dal ee kale ay ku eedeeneysaa inay ku kacayaan xadgudubyo dhinaca ganacsiga ah, islamarkaana ficilladooda aysan saameeneyn oo kaliya Qatar, balse uu saamayn ku yeeshay dalal kale oo ganacsi ka dhaxeeyo wadanka Qatar.

 

 

Source:-VOA

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews