Cabdiraxmaan Ciro Xubinimadii Golaha Wakiilada Iskamuu Casiline Hogaamintii Golaha Ayuu Iska Casilay”Cabdisitaar Sabri
August 3, 2017 - Written by Berbera Today
Xubintii xildhibaanimo iskamuu casilin
Wixii kawaynana wuu Iska casilay

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cirro waxa ugu wayn ee lagu Xasuusan doonaa Waxaa weeye Keliya inuu Iska Casilay Golaha wakiilada Somaliland
Iyo in uu golahaas Gudoominayay laba iyo Toban sanno oo gaw ah
Xildhibaan cabdiraxmaan waxuu noqonayaa mudanihii ugu muddada dheeraa ee saaxadda siyaasada kuyaamada Cod doorasho kadibna Gudoomiye u noqda hay’adda Sharcidejinta Dalka ilaa haddana Shacabku iswaydiinayaan lagana sugayo ummadda in ay Bal wuxuun ka Xusaan wax lagu xasuusto Gudoomiyahoodii hore ee golaha wakiilada
Inkastoo Cabdiraxmaan aanu ahayn Siyaasi sahlan ahayn oo uu yahay Nin siyaasiya oo fahmay inay dadkiisu necebyihiin ninka horumarka jecel kadibna si uu u ilaashado isna uu wax badan oo uu hagaajinkarayay uu ku ilaaway rabitaanka Caashaqa dadkiisa Taas oo aan qiil unoqonkarin Gudoomiyaha maantana marka la iswaydiiyo uu ku waayi doono taageerayaal badan
Sababtoo ah waa lasoo tijaabiyay 12 Sanno
W/QCabdisataar Cabdillahi Sabri