berberatoday.com
Waa Kuma Xildhibaanka Ugu Soo Horreeya Liiska Xil-sugeyaasha Golaha Wakiillada Ee Buuxin Doona Xubinnimada Cabdiraxmaan-Cirro Banayn Doono?
August 3, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

ayaa shalay si rasmi ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada hortooda ugaga dhawaaqay inuu iska casilay Guddoomiye-nimadii Wakiillada, 12 Sannadood oo uu Xilkaasi hayey ka dib.

Image may contain: 1 person, smiling

 

 

Sidoo kale waxaa la filayaa in xubinnimadii golahaasi uu ka tirsanaa uu bannayn doono dhawaan, iyadoo booskiisa uu soo buuxin doono xildhibaannadii kaydka ahaa ee gobolka uu ka soo baxay ee SAAXIL ugu qornaa lambarka koowaad xil sugayaaasha. Md. Cirro oo kamid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID uga soo baxay gobolka Saaxil ayaa waxaa marka uu si toos ah u macasalaameeyo golaha wakiillada waxaa kursiga uu banneeyey ku fadhiisan doona loona dhaarin doonaa Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug) oo kamid ahaa murashaxiintii xisbiga UCID uga tartamayay doorashadii golaha wakiillada ee sanadkii 2005-tii gobolka Saaxil, waxaanu si rasmi ah u buuxin doonaa booskaas marka uu xilli aan fogayn xubinnimada golaha iska casilo Md.Cirro.

Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi Oo Gaaxnuug Loo yaqaannaa waxa uu kamid yahay hal abuurrada foollaadka ah ee reer Somaliland isaga oo kaalin mug leh suugaantiisu ka soo qayb qaadatay halgankii SNM, markii dalku xoroobayna waxaa uu muddooyinkii ka dembeeyey degannaa dalka Jabuuti hase haatee waqti xaadirkan waxaa uu rasmi ah aan ugu soo guuray dalkiisa hooyo ee Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews