Fariin Caafimaad”Ka Digtoonaw Isticmaalka Laambadaha Hoos U Dhiga Qiimaha Korontada Oo Halis Ku Ah Araga !
August 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dadku waxay had iyo jeer ku dedaalaan inay isticmaalaan laambadaha aan dabka badan cunin, balse khubaro arrintaasi ka faalooday ayaa waxay xaqiijiyeen inay laamabadahaasi sababaan in araga qofku hoos u dhaco iyo sidoo kale inuu qofka laambadahaasi adeegsadaa uu la kulmayo madax xanuun badan.
Deraasaddan oo ay soo saareen khubaro ka tirsan kulliyada cilmi nafsiga ee jaamacadda Essex ee dalka Britain oo Shabakada Berberatoday.com soo tarjumay ayaa lagu xaqiijiyey in laambadaha dabka keydiya uu iftiinkoodu yahay 100% halka kuwa aan keydin iftiinka uu iftiinkoodu yahay 35%, prof Arnlod wellkens oo ka mid ah khubarda soo bandhigay deraasaddan ayaa waxa uu yidhi “Iftiinka aadka u badan ee ay laambadahaasi leeyihiin ayaa waxa uu sababi karaa in awooda araga ee qofku hoos u dhacdo, sidoo kalena waxa uu qofku dareemayaa madax xanuun aad u badan”.