|
berberatoday.com
Masuuliyiin Ka Socda Somaliland Oo Ka Qaybgalay Shir Ururka Bariga Afrika Ugu Qabsoomay Dalka Itoobiya
August 4, 2017 - Written by Berbera TodayAddis Ababa(Berberatoday.com)-Shirkii lixaad ee uu Qabto Ururka Bariga afrika ee xagga cilmi baadhista aadamaha ee loo yaqaano (EAAPP) oo socon doonaa muddo saddex maalmood ah ayaa ka furmay Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, gaar ahaan Hoolka shirarka ee Xarunta Matxafka Qaran ee dalka Ethiopia (National Museum of Ethiopia-HQ ). Shirkaasi waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Fadaraalka Ethiopia Marwo: H.E Dr. Hirut Weldemariam waxay Wasiiradu hoosta ka xariiqday ahmiyadda Cilmi baadhistu ugu fadhida dalalka bariga afrika gaar ahaan xagga Dalxiiska iyo sidii loo baadhi lahaa waxyaabaha qadiimka ee ay leeyihiin Dalalka Bariga Afrika, waxayna uga mahadnaqday ururka soo agaasimey shirkan oo ah Ururka Bariga afrika ee cilmi baadhista ee loo yaqaano (EAAPP). waxa kaloo halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Bariga Afrika ee xagga cilmi baadhista Mr. Zeresenay Alemseged oo sheegay in ujeedada shirkani tahay siddii dalalka bariga afrika iskaga gaashaaman lahaayeen cilmi baadhista aadamaha iyo degaanada qadiimka ah ee loo yaqaano (Paleontology and Paleoanthropology) iyo sidii loogu heli lahaa cilmi baadhistaasi kharashka ku baxay oo ay dawladu u taageeri lahaayeen. Guddoomiyiha Ururkaasi wuxuu madasha ku soo dhaweeyay dhammaan ka soo qeyb-galayaashii shirka, wuxuuna Carabka ku dhuftay in Somaliland markii ugu horreysay ay ka soo qeyb-gasho shirkani oo sanad walba ka qabsoomo afrika, wuxuuna uga mahadnaqay Somaliland ka soo qeyb galka shirkaasi, waxaana madashaasi sacab iyo wajiyo farxad badani ka muuqato lagu soo dhaweeyay labadii Xubnood ee ka socday Somaliland oo kala Ahaa: Mr.Cabdiqani Axmed Xassan “Goole” oo ah Agaasimaha W.Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha dibeda & iskaashiga Caalamiga ah iyo Marwo Asma Cismaan Cabdi oo ah Hawl-wadeen ka tirsan wasaaradda. Soo dhaweyn ka dib, Agaasime Cabdiqani wuxuu ugu mahadnaqay Guddoomiyaha ururka bariga afrika sidda wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyay Somaliland shirkaasi wuxuuna intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in ay xubin ka noqoto ururka bariga afrika ee xaga cilmi baadhista. Intii uu shirku socday, waxay Cilmi baadhayaal ka socday dalalka Mareykanka , Talyaaniga, Spanish-ka, Swiss-ka, Tanzania, Kenya, Ethiopia, South afrika ay halkaasi kusoo bandhigeen cilmi baadhis kala duwan oo ku saabsaneyd Asalka dadka afrikaanka ah iyo asaarta qadiimka ah ee degaano ka mid ah dalalka bariga afrika.
Berberatoday.com COMMENTS
|
||||
|
|
|||||