berberatoday.com
Xidiga Kubada Cagta Ee Neymar Oo Macasalaameeyay Saaxiibadiisii Kooxda Barcelona Kuna Biiri Doona Kooxda PSG Ee Faransiiska
August 4, 2017 - Written by Berbera Today

Spain(Berberatoday.com)-Barcelona ayaa fasax u siisay Neymar inuu ka tago garoonka tababarka oo uu u duulo waddanka Faransiiska oo uu heshiis ugu saxeexayo kooxda PSG, halkaas oo soo dhoweyntiisa si aad ah looga diyaar garoobay.

C2Markii uu tegay garoonka tababarka isagoo ku lebbisan dhar qurux badan ayaa waxa macasalaameeyey ciyaaryahannada kooxda oo uu ugu horreeyo Messi, kaddibna waxa uu ka baxay garoonka isagoo qiiraysan.

PSG ayaa diyaar la ah inay u shubto Barcelona 222 milyan oo Euro oo u dhiganta 198 milyan oo Gini, taas oo ka dhigaysa ciyaartoygii ugu qaalisanaa ee abid ay koox iibsato.

Tababaraha Barcelona oo si kooban uga hadlay safarka Neymar ayaa sheegay inuu ku salaysan yahay inuu xallisto mustaqbalkiisa iyo kooxda uu u ciyaari doono.

Arrintan ayaa timid laba maalmood kaddib markii ay soo baxday in baadhitaan dakhliga ah lagu samaynayo PSG haddii ay heshiiska qaaliga ah kula wareegto Neymar.

Waraysi uu siiyey wargeyska Mundo Deportivo, ayaa waxa uu madaxweynaha xidhiidhka La Liga uu ku sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doontaan PSG oo ku salaysan inay khasab iyo lacag ku qafaalatay Neymar, taas oo kasoo horjeedda nidaamka iyo qawaaniinta ciyaaraha, laakiin madaxweynaha PSG, Nasser Al-Khelaifi ayaa waxa uu kaga jawaabay inay ixtiraamayaan heshiiska Neymar iyo Barcelona oo aanay u gacan dhaafaynin. Laakiin lacagta lagu burburin karo heshiiskiisa ayaa marka ay PSG diyaar la noqoto waxa uu ciyaartoygu xorriyad u yeelanayaa inuu shandaddiisa ka qaato kooxda.

Neymar ayaa Barcelona ku biiray sannadkii 2013, waxaana ay ka bixisay lacag lagu sheegay 48.6 milyan Gini laakiin lacagta ayaa markii dambe la ogaaday inay ku dhowayd 100 milyan oo gini, maadaama ay kharashaad badan ku bixisay kooxdu inay gacanta ku dhigto laacibkan oo guulo badan la gaadhay intii uu joogay.

Sannadkii 2016 ayuu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah, kaas oo hadda u muuqda in aanay waxba ka jiri doonin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews