Masar”Cadho Hinaase Keenay Oo Ka Dhalatay Ol’ole Dumar Oo Loogu Magac Daray, ‘Saygaaga Ayaa Saygayga Ah’
August 5, 2017 - Written by Berbera Today
Qaahira(Berberatoday.com)-Waxaa weli degi la’ cadho hinaase keenay oo ka dhalatay ol’ole ay dhowaan dalka Masar ka bilaabeen dumar dalkaas u dhashay oo fasaxaya in raggu ay dumar badan guursadaan. Ol’olahan oo ay dumarka wadaa ku tilmaameen in ay kula dagaalamayaan guur la’aanta dumarka dalkaas ku soo badanaysa, ayaa ka duulaya ogolaanshiyaha shareecada islaamku ragga ugu fasaxday in ay dumar illaa afar ah guursan karaan, waxa aana hal-ku-dheg looga dhigay, ‘Saygayga ayaa adiga saygaaga ah’