berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Musuqmaasuq La Sheegay Inuu Ka Dhacay Doorashadii Golaha Wakiiladda Iyo Arrimo Kale Oo Xasaasiya
August 7, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa hadlay rajada uu xisbigiisu ka qabo inuu ku guulaysto kursiga gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada.

Gudoomiye Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay wax is daba marin la sheegay inay ka dhacday doorashadii maanta ee gudoomiyaha golaha wakiilada loogu caleemo saaray Baashe Maxamed Faarax.

cabdiraxmaan ciro

Ugu horayn gudoomiye Cirro oo ka hadlaya musuqa la sheegay inuu ka dhacay doorashadii gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa waxa uu yidhi “Arintaas ma jecli inaan ka hor dhaco, haduu khalad jirana waxa uu u baahan yahay in la xaqiijiyo oo lays dul taago lana

taabto, markaa wakhtiga ku haboon ayaan jecelahay inaan ka jawaabo arintaasi haddii ay soo baxdo oo khalad dhacay.”ayuu yidhi xildhibaan Cabdiraxmaan Cirro oo u waramay Universal TV.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay wakhtiga uu iska casilayo xildhibaanimada golaha wakiilada “Waxaan ahay xildhibaan la soo doortay oo cod shacab ku yimid, wakhtiga aan ka tagayana aniga ayaa xaq u leh laakiin waan ka tagi doonaa insha allah.”

Ugu dambayn gudoomiye Cirro ayaa ka hadlay rajada uu xisbigiisu ka qabo inuu ku guulaysto kursiga gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada waxaanu yidhi “Horta waxba laysma siiyo ee waa la tartamayaa, waanan u tartami doonaa cidii ilaahay u qoray ayaana helaysa laakiin waanu rajaynaynaa haddii aanu tartano inaanu ku guulaysano.”

https://youtu.be/TEoqcsNbSZs?t=69

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews