Sarkaal Ka Tirsanaa Mucaaradka Dalka Jabuuti Oo Caafimaad Daro Awgeed Ugu Geeriyooday Xabsi Kuyaala Magaalada Jabuuti
August 7, 2017 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Sida laga soo xigtay xubin ka tirsan guddiga Xuquuqda Aadanaha dalka Jabuuti waxaa xabsiga dalkaas ku geeriyooday Maxamed Axmed Jabha oo la sheegay in uu ka tirsanaa jabhadda FRUD ee mucaaradka dalka Jabuuti.
Mas’uulkan ayaa la sheegay in uu dhintay Talaadadii aynu soo dhaafnay laakiin hadda uun la shaaciyay geeridiisa, iyadoo muddo dheer lagu waramayo in uu xabsiga ku jiray.
