berberatoday.com
Dadkii waxa ay la amakaageen sicirbararka iyo darxumadda ku habstay dalkii………………………………………
August 9, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
MADAXWEYNE SIILANYO MA ARAGTEN??
Waa xilli xun shiddo iyo dhib badan waan seben la adhax jabay oo siyaasi iyo siyaasad xumo isku sid kani wadankii halakeeyen waa sixir barar dad iyo duunyaba ragadiyay Dadkii waa u yaab iyo amakaag.Sixir barar,sillic iyo siyaasad xumaa danyartii daashatay,degreeto degdega iyo hawlgal isku sidkanbaa maalmo dhawro gudahood ku fashilma,Golihii shacbiga doorten waa u duuduub iyo waxay dajiyaan.Haddana shacbi waynaha soomaliland wali Raxmada iyo nimcada Eebe kamay quusan waxayna ku niyad san yihiin inay helayaan hogaan hogaamintu ka dhab tahay oo dheelliga ka fogtahay.
Waxa qiso iyo cashar ugub ku ah taariikhad Dalkan iyo Dadkanba in Madaxwynihii loo doortay qarankan aad moodo inaaan xil ka saarayn qarankan silcaya.Dad yawga qaar baaba u haysta in madaxweynihii ay doorten uu jaziiad kale la haysto taas oo shacbku ka niyad jabay,aragtidiisa daaye aan hadal laga hayan,waxaan ahayn warqad iyo degreeto seqda dhexe sanqadheeda la maqlo gudaha dhegaha shacbiga waxa ku gedaaman guddiba loo saaray,hamblyo kooban iyo tacsi degdeg ah.
Waxaynu wada ogsoonahay oo markhaati ma doon ah inaan Dalkan Somaliland soo marin maalin ka musuq masuq iyo hanti boob badan,maalin ka sixir barar iyo siyaasad xumo badan lamana shegin malin ka qabqab,eex,nin jecalysi iyo qabyalad badan oo ay noqotay “Qaataye qaado” ama “Cararye cad ka reeb” iyo walibaa shakhsiyaad gaara oo Talladii qaranku gacanta u gashay tani waxay shaki badan tuhunno iyo guux badana ku abuurtay quluubta shacbi waynihii 7sanno ka hor doortay madaxweyne SIILANYO .Siyaasiyiinta ugu miisanka culus saaxada siyaasada islamrkaana ah shakhsiyaadkii siilanyo ugu dhawaa waqtiyada qaar ayaa waxay tibaaxen isla markaana bedka soo dhigeen inaan talladii qaranka iyo hogaamintii wadankuba aanay gacanta ugu jirin SIILANYO Waxa is weydiin mudan odaygii qarankan dharta ugu jiiday xaguu ku dambeeyay mase og yahay waxan socoda??Moooyi
Ma og yahay silica danyarta iyo sixir bararkan circa isku shareeray??? Bal adba
Shacabku waxay baadi gobayaan haben iyo malin guuro iyo galab carrowba Cidii ay doorteen halkuu ku dambeeyay mise waa ka aarsi Dal iyo Dad. Waxaan maqlay wakhtigii Af-weyene inuu odhan jiray” Dhul mooyee Dad laygu iman mayo”. Maanta waxa inoo muuqata go’aankii labaad oo ah “Dad mooyee Dal laygu iman mayo.”
Diifta darxumada iyo siyaasiga dad qalka ah dadkii waxa u dheer Sillica iyo sixir barar isku sidkan haddana dadkii tabalysnaa ee siyaasad xumadu hala keyeen waxa mucjiso maaro waa ku noqotay degretadii madaxwaynaha ee socon wayday Iyo halkay ku danbysay waxanay leyihiin Madaxwyne siilanyo ma aragteeeeeeeen mee???
Gunaantii iyo gabagabadii intaynu qormada labad
Dadku wuu dayoobaa
Daydayaa godkiisii
Dabadeed ku hooydaa
Daashoo ogaanee
Da’du waa halkeedee
Daba qabo wanaagii
Dalkan iyo Dadkiisaba
Dabkii iyo Kulaylkii
Diiftii la soo maray
Duurkaad u taagnayd.
Abdi Handuleh
0633733772
Hargeisa somaliland
COMMENTS
|