berberatoday.com
Dawladda Somaliland Oo Laab La Kac Ku Tilmaantay Dhawaaq Faro-gelin Ah Oo Maamul-gobolleedka Puntland Kaga Hadlay Diiwaan galinta Ka Socota Gobolada Sool, Sanaag
August 13, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay dhawaaq Maamul-Gobolleedka Puntland ku sheegay inaan Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay Mulkiyaddooda sheegato aan laga qabin karin qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Mr. Qarjab oo Doraad Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan Somaliland Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada ka samayn karin deegaannada Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay Mulkiyaddooda sheegato, laakiin Dawladda Somaliland ayaa hadalkaa ku sheegtay mid Laab la kac ah oo aanay waxba ka soconayn.

Wasiiru-Dawladaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Shalay Saxaafaddu waydiisay siday Xukuumad ahaan u arkaan Hadalka ka soo yeedhay Puntland, ayaa ku jawaabay “Wasiirka Warfaafinta ama Wasiir ku-xigeenka Warraafinta ka uu doono ha ahaadee, Warka uu siidaayey wuxuu ku yidhi ‘Dadka reer Sool iyo Sanaagoow hawshaa (Kaadh-qaadashada) diida, Annaguna waanu idinku garab taaganahay, muu odhanin Puntland baa Tallaabo qaadaysa, laakiin Dadweynihii reer Somaliland ayuu yidhi Waydinkaa, Dadweynaha Reer Somaliland-na way maqlayaan oo way dhegaysanayaan, markaa waxaan filayaa inay iska Laab-a-kac tahay, Dadkuna kuma jibboodaan waan ku garab taaganahay.”

Maxamed Muuse Diiriye waxa kale oo uu sheegay “Dadweynaha Sool iyo Sanaag waa Reer Somaliland, Dantooda way garanayaan, Halkay yihiina way ogsoon yihiin oo loo sheegi maayo, markaa Wasiirkaa waxba ku talax tagi maayo Arrintiisa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ummaddu way garanaysaa halkay tahay, waxay qabsanayso, markaa meelo kale Farriin looga soo diri maayo….”

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa Sabtidii Shalay Gobollada Sool iyo Sanaag ka bilaabay hawsha Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka Somaliland.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews