Shaqadii Dekeda Berbera Oo Todobaadkii Udanbeeyay Taagan, Ganacsatadii Oo Diiday Inay Cashuurtaan Badeecadohooda, Dkhligii Kastamka Berbera Oo Hoos Udhacay Iyo Wasiiro Xukumada Sare Ka Socda Oo Berbera Meehanaayabaya+DP World Oo Maamulkii Dekeda Berbera Ku Fashilantay
August 13, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirada Maaliyada. Ganacsiga Iyo Arimaha Debeda Somaliland ayaa maalmihii udanbeeyay Berbera ujooga Xal uhelida dhibaato laxaadle oo soo foodsaartay guud ahaan qaranka Somaliland gaar ahaan Ganacsatada kala duwan ee dekeda berbera badeecadaha kala soo daga oo labadii wiig ee udanbeeyay raadina cid badeecadohooda Dekeda uga soo saartay kadib markii la waayay qalabka waxna roga waxna rara ee wiishashka iyo Foogliifyada ubadan,