Tirada Goobaha Dadweynaha Gobollada Sool Iyo Sanaag Ka Qaadanayaan Kaadhadhkooda Cod-bixinta
August 13, 2017 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa Shalay ka bilaabay gobollada Sool iyo Sanaag bixinta kaadhadhka codbixiyaasha ee doorashada Madaxtooyada la filayo in ay Somaliland ka dhacdo 13 Noofember 2017-ka.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa isagoo ku sugan magaalada Laascaanood sheegay in 177 goobood oo gobolka Sool ah ay si uga bilaabantay kaadh-qaadashadu. Sidoo kalena waxa ay ka bilaabantay 173 goobood oo ku yaal gobolka Sanaag.
Gobolka Sool, waxa ku sugan oo hawsha Kaadh-qaybinta u jooga Masuuliyiin badan oo ay ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka mid ah Goleyaasha Baarlamaanka, kuwaasi oo Maalmihii u dambeeyay Dadweynaha ku dhiiri-gelinayey qaataan Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada.