Daawo Muuqalka”Musharax Ciro Oo Mar Labaad Balan Qaad Culus U Sameeyey Ciidamada Somaliland , Una Jawaabey Wasiir Arintaasi Ka Hadley
August 14, 2017 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa uu maanta mar labaad uu balan qaad culus u sameeyey ciidamada kala duwan ee Somaliland

Musharax Ciro ayaa sheegay in ciidamada Qaranka uu musharka u kordhin doono boqolkiiba laba iyo Konton , una dhisi doono Guryo , Una dhisi doono cisbitaal heer caalami ah oo caafimaadkooda lagu daryeelo , askarigii dhintana la siin doono xaquuq qoyskiisa .