berberatoday.com
Gaadiidkii Itoobiyaanka Ahaa Ee Raashinka Caawimada Ka Daabuli Lahaa Dekeda Berbera Oo Uxadho Xidhan Inay Dalkoodii Iskaga Laabtaan Iyaga Oo Madhan Kadib Markii Marakabkoodii Dekeda Lagu Soo Xidhiwaayay Mudo 20 Maalmoodana Ay Berbera Joogeen
August 14, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-kudhawaad 200 Laba Boqol oo baabuur oo dalka Itoobiya laga leeyahay ayaa Berbera mudo labaatan maalmooda ujooga rarkii ay Dekeda Berbera ka qaadi lahaayeen.

Wadayaasha iyo masuuliyiinta Shirkadaha Gaadiidka Itoobiyanka ah wakiilada u ah ayaa saaka subaxnimadii hore go,aan ku gaadhay inay gaadiidkooda ku celiyaan dalka Itoobiya ee ay hore uga yimaadeen maadama oo mudo 20 maalmooda ay sugayaan in loo soo xidho markabkii raashinkay qaadi lahaayeen siday oo bada Berbera taagan Maamulka Dekeda Berbera ee Shirkada DP Worldna soo xidhi weyday iyada oo sabab looga dhigayo Dekedii oo maraakiibiyo culays badeecadeed ka buuxo si looga saarana la garan layahay.

 

Masuuliyiinta shirkadaha Gaadiidka Itoobiyanka Iyo darawaliinta Gaadiidka Xabashida wada ayaa ku adacoonaya inay mudo dhaaf tahay joogitaanka ay Berbera joogaan oo ku dhaw 20 maalmood iyaga oo sheegay inay masaariiftii iyo sahaydii ka goday gaadiidkoodiina bilaa shaqo cidla utaaganyahay.

 

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa Saaka Ku qanciyay Masuuliyiinta shirkadaha Gaadiidka itoobiyanka ah Iyo Wadayaasha Gaadiidka ee Ku xereysan Xerada Taar dheer ee Berbera inay Maanta uun sugaan oo la rajaynayo in Marakabkoodii loosoo xidho.

Xaalada Dekeda Berbera ayaa Todobaadyadii udanbeeyay Cakiran iyada oo Dekediina ay buuxdhaafiyeen koonteenaro badeecado ka buuxaan lana layahay wax dekeda kasoo saara kadib markii qalabkii rarka iyo Rogida ee Dekeda berbera dhamaantood uwada fadhiisteen cilado ku keenay inay xumaadaan iyada oo aanay shirkada DP World ee Dekeda laga kireeyayna keenin wax qalab ah oo cusub.

Sidoo kale Wasiirada maaliyada, Ganacsiga iyo arimaha Debeda oo xaalada Cakiran ee Dekeda Berbera Uyimi Berbera ayaan ilaa hada wax xala Ka gadhin cabashada Ganacsatada Somaliland iyo Kuwa gaadiidka Itoobiya.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews