Gaadiidkii Itoobiyaanka Ahaa Ee Raashinka Caawimada Ka Daabuli Lahaa Dekeda Berbera Oo Uxadho Xidhan Inay Dalkoodii Iskaga Laabtaan Iyaga Oo Madhan Kadib Markii Marakabkoodii Dekeda Lagu Soo Xidhiwaayay Mudo 20 Maalmoodana Ay Berbera Joogeen
August 14, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-kudhawaad 200 Laba Boqol oo baabuur oo dalka Itoobiya laga leeyahay ayaa Berbera mudo labaatan maalmooda ujooga rarkii ay Dekeda Berbera ka qaadi lahaayeen.
Wadayaasha iyo masuuliyiinta Shirkadaha Gaadiidka Itoobiyanka ah wakiilada u ah ayaa saaka subaxnimadii hore go,aan ku gaadhay inay gaadiidkooda ku celiyaan dalka Itoobiya ee ay hore uga yimaadeen maadama oo mudo 20 maalmooda ay sugayaan in loo soo xidho markabkii raashinkay qaadi lahaayeen siday oo bada Berbera taagan Maamulka Dekeda Berbera ee Shirkada DP Worldna soo xidhi weyday iyada oo sabab looga dhigayo Dekedii oo maraakiibiyo culays badeecadeed ka buuxo si looga saarana la garan layahay.