Wuxuu Ku Dhawaacmay Hawlgal Ciidan, Waxaana Dayacday Xukumada Somaliland oo u U Ahaa Dabxeere daacad u ah.
August 14, 2017 - Written by Berbera Today
Aadan Kayse Ismaciil Waa taliye ku xigeenkiii ku dhawaacmay Hawlgalkii La dagaalanka Maandooriyaha ee Burco, Waxaana U Ku dhaawacmay, Israsasayn Koox dablay ah, Oo ay iska hor yimadeen Kooxo Bilays ahaa oo u hogaaminayey Taliyaha Hawl galinta ee Ciidanka Booliska ee Gobolka togdheer.
Hase ahhaate Balanqaadkaasi Wuxuu Noqday mid Ah Hal Bacaad Lagu Lisay Oo Beenoobay, Waxaana Mudo dheer oo ay sugayeen Balan qaadkii wasiirka Madaxtooyada, Qoyskii u kasoo jeeday ayaa markii dambe, Go’aansaday inay Geeyaan dalka Hindia, Waanay ku Guulaysteen oo alle kuma qadin.
Laakiin waxaa Ay La Kulmeen Markii la geeyay dalka hindia, inan waxba laga qaban karin, Dhaawacan halista ah ee wax lagaga qaban karo wadanka Jarmalka.
Hadaba Maxaa Dawladahaa La Gudbonan jiray Marka u ka dhawacmo mid kamid ah saraakiisha hawlaha qaranka u adeega.
“inta ugu badan si sharciga ah waxaa xukumadaha uga dajisan qofka ku dhaawacma hawl gal dawladu leedahay inay qabaan wax kasta oo lagula tacalayo xaaladiisa caafimaad, laakiin Sarkaalkani Muu Noqon mid Isagu Hela Xuquuqdii u Ku Laha Dawladiisa Isagoo Hawl gal dawladeed Fulinayana Lagaga Tagay Goobtii Xabadu kaga Dhacday, Dibna anay Xukumadu u sii eegin.
Arinkan ayaa Xukumada Talada dalka haysa ku Noqonaya Mid fadeexad ah, Iyadoo Niyad Jab ku Beeraysa Ciidamada Qaranka ee Daacada u ah dalkani Somaliland.
Waxaana Aan usoo Jeedin lahaa Xukumada Talada Haysa inay Uga Jawaban Arinkani sida ugu Dhaqsaha Badan.”
W/Q: Maxamed Siciid Gaaxnuug