berberatoday.com
Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Ee Somaliya Oo Xilkii Ka Qaaday Madaxweynihii Maamulkaas Cali Cabdullahi Cosoble
August 15, 2017 - Written by Berbera Today

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Coasoble

Beledweyne(Berberatoday.com)-Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa maanta u fadhiistey mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabelle, kaas oo lagu eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo in uu jebiyey dastuurka Hir Shabelle.

Mooshinka ayaa dhigaayey in Madaxweynaha xilka laga xayuubiyo, waxaan habeenkii xalay loo gudbiyey shirguddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.
Fadhiga waxaa soo xaadiray 76 Xildhibaan oo kamid ah 89 Xildhibaan ee Barlamaanka Hirshabelle ka kooban yahay. Xildhibaano gaaray 68 Xildhibaan ayaa u codeeyey in ay xilkii ka xayuubiyeen Cali Cabdullaahi Cosoble. Saxaafaddu kama qaybgelin fadhigii xilka looga xayuubinaayey Cosoble. Qaar kamid ah Xildhibaanada oo saxaafadda la ahdley markii shirkoodi dhamaadey ayaa sheegay in 68 Xildhibaan ay u codeeyeen Xilka qaadista.

Go’aanka Xildhibaanada waxaa ku dhawaaqdey guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Canab Axmed Ciise.

Wax war ah kama soo bixin Cali Cabdullaahi Cosoble. Horseed Media ma arkin sida uu u qoran yahay Dastuurka kumeel-gaarka ah ee Hirhabelle marka ay timaado xilka qaadista Madaxweynaha, in loo baahan yahay in uu maro marxalado kala geddisan iyo in Madaxweynaha loo oggol yahay in uu iska difaaco eedayamaha loo jeediyey. Mooshinkan ayaa marey hal waddo, waxaana Madaxweynaha xilka loaga qaadey isaga oo ka maqan xarunta Hirshabelle ee Jowhar.

Cali Cabdullaahi ayaa la doortey bishii Oktoobar 2016, kadib namrkii laga heshiiyey in caasimaddu noqoto Jowhar Madaxweynahana la siiyo qof ka soo jeeda Hiiraan.

Maamulka Hirshabelle oo dhismihiisi dhibaato xoogleh loo marey ayaan lahayn haykal maamul, waxaana Madaxweynaha loo doortey maamulkaas inta badan wakhtigiisa ku qaataa magaalada Muqdisho, ma jiraan wasaarado maamulku lee yahay oo shaqeeya.

Dadka ka faalooda arrimahan ayaa sheegaya in waxba aysan soo kordhineyn xilka qadistan keliya ay keeneyso burbur ku yimaada maamulka aan cagaha badan ku taagneyn.

 

 

Xigasho Horseedmadia.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews