“Waxaan Ku Talinayaa In Khilaafka Wakiilada Wada Hadal Lagu Dhammeeyo, Oo Arinka Dhulka La Dhigo, Oo Si Miyir Qabta La Iskugu Tanaasulo”
August 16, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Golaha Wakiilada, ee ah Afhayeenka Golaha Wakiilada, waxaanu ku taliyey in khilaafkan Golihiisa ka taagan wada hadal lagu xaliyo, oo la isku tanaasulo.
Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, Doorashada ka dhacday dalka Kenya iyo Somaliland waxay ka baran karto, waxaanu talo u soo jeediyey Xisbiyada Qaranka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay khilaafka Golaha Wakiilada“Waxaan ku talinayaa in arinka wada hadal lagu dhammeeyo, oo arinka dhulka la dhigo, oo si miyir qabta la iskugu tanaasulo, oo si miyir qabta loo wada hadlo, oo buuqa la joojiyo, oo warbaahinta hadalo kulul aan la isku marin, oo hadalada xanafta leh la iska daayo, oo arintana sida ugu dhakhsaha badan Golaha dhexdiisa ha lagu dhammeeyo”.