Culayska Badeecadaha Koonteenarada Ku Jira Ee Dekeda Berbera Yaala Oo Laga Dayriyay Inuu Sababo Dekeda Oo Dunta Iyo Mooganaanta Xukumada Siilanyo Ee Kireysay+Dhayalsiga Shirkada DP World,Daawo Sawiro
August 17, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Iyada oo Dekeda Berbera shaqadeedu Labadii Bilood ee Udanbeeyay gaabis ahayd ayaa waxa Dekeda Berbera buuxdhaafiyay badeecado ganacsatada Somaliland dalka Debediisa ka waarideen oo intooda badani kujira Koonteenarada lagu soo cabeeyo badeecadaha oo dekeda berbera gees kasta oo aad istaagtaba buux dhaafiyay culays iyo miisaan khatartiisa watana kuhaya.
Koonteenarada waxa dheer oo Dekeda gee kasta oo aad ka istaagtaba buux bagaasha iyo Qalabyada dhismaha oo isugu jira garaa,id looxa noocyadiisa Kala duwan iyo biro tool ah oo dhismayaasha lagaga qeyb qaato.