SOOL: Ganacsatada Oo Diiday Inay Wax Ku Iibiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga Ah Iyo Mudaharaad Shalay Ka Dhacay Laascaanood
August 17, 2017 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada Laascaanood, ayaa diiday inay wax ku iibiyaan Lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo ka soo gasha dhinaca Maamul-gobolleedka Puntland.
Diidmada Lacagta Shilin Soomaaliga ah ayaa waxa ka dhashay Mudaharaad Shalay ka dhacay Magaalada Laascaanood, kaasi oo ay dhigayeen Dad u badan Dhallinyaro, kuwaasi oo Mudaharaadkooda ku muujinayey diidmada Ganacsatadu diidday inay wax kaga iibiyaan Lacagtii ay haysteen.