berberatoday.com
Soomaaliya Oo Xeerka Maamulka Isgaadhsiinta Ku Darsatay Somaliland Iyo Jawaabta Dawladdu Ka Bixisay
August 17, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay Xeerka isgaadhsiinta Soomaaliya oo dhawaan la sameeyay, kaasi oo ay ku jiraan Qodobbo sheegaya in Somaliland-na ka mid tahay Deegaannada Isgaadhsiinteeda laga Maamulayo Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Mustafe Faarax Abraar oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Xeerka Isgaadhsiinta Soomaaliya aanu khusaynin Somaliland, maaddaama oo Somaliland tahay Qaran Madax-bannaan oo iskii isku Maamula.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Soomaaliya wuxuu dhawaan soo saaray Xeer (Xeerka Isgaadhsiinta), Xeerkaas oo uu sheegay inay Somaliland-na ku jirto. Waxaanu leenahay Somaliland waa Qaran Madax-bannaan, Xeerarkeeda iyo Shuruucdeeda way u Madax-bannaan tahay, waxayna leedahay Goleyaal Sharci-dejineed oo soo saara Shuruucdeeda. Waxaanu nahay Qaran Madax-bannaan oo isku Maamula Xeerkiisa iyo Sharcigiisa.”

Wasiir Abraar waxa kae oo uu sheegay  “Waxaanu idiinka digaynaa inay faro-gelin iyo Caga-juglayn noola timaaddaan, Waayo? Dalka iyo Isgaadhsiinta waxaanu ku Maamulnaa Sharciyaga. Waxaan ku leeyahay Wasiir Xamar uun ku ekow, Daan Xamar ah ayaad xukuntaaye.”ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews