berberatoday.com
Taariikhda Abwaan, Fanaan, IYo Mulaxamiste Maxamed Faarax Xirsi . waxa qoray Cumar Seerbiya .
August 18, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxamed Faarax Xirsi oo ahaa Abwaan , Mulaxan iyo sidoo kale fanaan qaaday heeso kala duwan sannadkii 1957 ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa waxbarashadii hoose wuxuu ka bilaabay dugsiga hoose dhexe ee Riis haddana loo yaqaano Sheekh Cali Cusmaan ee ka agdhaw Tiyaatartaka Hargeysa .

Ka dibna wuxuu galay dugsiga biyo dhacay ee isna ku dhaw idaacadda Radio Hargeysa , dugsiga Xalane ayuu hal sanno isna wax ka baranaayey .

Xaafadda Guryasamo/Qudhac dheer ee magaalada Hargeysa ayaa isaga iyo koox dhallinyaro ah oo is urursaday waxay bilaabeen olole faneed ay bulshada meelaha ay ku kulanto ugu heesaan .

Maxamed ayaa fanaan rasmi loo aqoonsaday sannadkii 1975 ka dib markii uu ku soo baxay heesihii hirgalay inkasta oo uu afar mar ku dhacay heesaha isaga oo laba jeer oo ku xigayna kaalinta koobaad galay. Heestii u horraysay ee uu qaado waxa la odhan jiray Mana joogo mana Jiifo waxaana erayada lahaa Abwaan Cali Cabdi Saa’iq
Maxamed Faarax iyo kooxdii dhallinyarada ahayd waxay qorsheeyeen inay magaalada Berbera ka dhigaan bandhig faneed balse waxay waayeen baabuur ay ku tagaan Berbera iyaga oo markii dambe isla qaatay in qofkastaaba uu babauurta xoolaha qaada uu gaarkiisa u raaco kuna wada ballamaan Berbera sidii ayeyna sameeyeen .
Markii dambe waxay isla riwaayadii oo la odhan jiray Sixirooyga Jacayl mala saari karaa ? ay ka dhigeen magaalooyinka Sheekh gaar ahana dugsiga sare ee SOS Burco Iyo Mandheera oo ay lug ku tageen .

Maxamed Faarax Xirsi oo markii dambe noqday macallin isagu fanka dadka bara waxa uu tobobare faneed u noqday Ubaxii kacaanka iyo barbaartii dhallinyarada.

Maxamed Faarax dadkii uu macallina dugsi u soo noqday waxa ka mid ahaa majaajilistaha Cabdi Haybe Laambad . waxaanu markii dambe ka mid noqday kooxdii Halgan oo door weyn ku lahaa riwaayadii Nabsi iyo Jacayl waxaanu riwaayado u sameeyey kooxdii danan oo uu asaasayaasheeda ka mid ahaa .

Maxamed Faarax Xirsi magaalada Hargeysa riwaayad lagu dhigay ayuu sidoo kale lahaa oo ay dhallinyaradu kaga hadlaysay xuska maalinta 15 May ee SYL.

1984-kii Maxamed Faarax Xirsi iyo kooxdii danan Hargeysa ayaa soo dhaweyn ay Muqdisho ugu samaynayeen Axmed Mooge Liibaan oo carabaha ka imanaayey ayey u qorsheeyeen inuu bandhig ku sameeyey Tiyaatarka Muqdisho balse waxa loo sheegay in koox kale ballan ku leedahay .

Wasiir ku-xigeegnii ciyaaraha Maxamed Yuusuf ayaa ugu deeqay garoonka Baasketka ee Muqdisho oo qaadi jiray 10,000 oo ruux waxaana la sheegaa inuu ahaa bandhigii dadka ugu badani ay ka soo qaybgaleen .
Axmed Mooge ayaa halkaasi ka qaaday heeso ay ka mid ahaayeen Gaaridii Haweeynka ama Guryasamo , Damac jacayl iyo kuwa kale oo ay Gaasira ka mid tahay.
Maxamed Faarax oo aan bishii May 2015 ku booqday gurigiisa oo ku yaallay xaafadda Shidhka degmada 26-June ee magaalada Hargeysa xogtan iiga sheekeeyey 
Alle ha u naxariisto.

Qr: Cumar Serbiya.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews