berberatoday.com
Nin Kamida Ahaa Shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera Oo Laydh Ku Qabsaday Dekeda Gudeheeda Ugeeriyooday Iyo Shirkada DP World Oo Diiday Bixinta Magtiisa+Maydkii Oo Talaagad Lagu Kaydiiyay
August 19, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Marxuum Jaamac Ismaaciil Cali oo kamida ahaa shaqaalaha Muruqmaalka ah ee Dekeda Berbera ayaa habeenkii xalay abaara 10kii habeenimo oo laydh(koronto)ku qabtay Dekeda Berbera dhexdeeda goob ay kutaalo Qasabad biyaha laga cabo kadib markii uu Marxuumka oo kamida ahaa shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda ee xalay shaqaynayay uu damcay inuu Qasabadaas biyo ka cabo hase yeeshee Xadhig Laydh dabaysan oo goobta kusoo dhacay uu dabkii Qabasadsiiyay taar gaabyan oo Dekeda Ku wareegsan kaas oo markii marxuumku gacanta saaray qasabada ku dhagay isla goobtii uu ku naf baxay.
Marxuumka ayaa sida la sheegay Maydkiisa goordanbe oo uu naf baxay la arkay sababtoo ah goobta uu ku nafbaxay ee Laydhku ku qabsaday ee Qasabadu ku taalo oo ah goob baydhsan islamarkaan wada dabaysnayd oo dabka uu isu gudbiyay taar ku wareegsan Dekeda gudeheeda oo shirkada DP World ku wareejisay..
Shirkada maamusha Dekeda Berbera Ee DP World oo masuuliyada Guud ahaan Dekeda leh ayaa la sheegay inay diiday inay Marxuumkaas Magtiisa bixinayso iyada oo dafirtay inuu dabka Dekedu qabsaday sidaasna uu ugeeriyooday hase yeeshee waxa ay cadeeyeen dadkii ugu horeeyay ee Maydka marxuum Jaamac Ismaaciil Cali dul istaagay inuu xadhiga laydhka ee dilay oo goobta yaalay isaga hoolan goobtuna ay dabaysnayd oo ilaa laydhka la damiyay aan maydka marxuumka la qaadin lana taabanin.
Maydka Marxuumka ayaa lagu Riday Talaagada Maydka lagu keydiyo ee Cisbataalka Weyn Ee Berbera iyada oo aan ilaa hada la aasin maydkii Marxuumka,
Jufada uu kasoo jeedo iyo ehelada Marxuum Jaamac Ismaaciil Cali Oo warbaahinta La hadlay ayaa ku doodaya in uu marxuum ugeeriyooday laydhka Dekeda ee qabsaday wixii uu mag xaq lahaana laga doonay inay Bixiso shirkada DP World ee Dekeda Maamusha ilaa ay Bixisana aan la aasayn Maydka Marxuumka.
Dhinaca Kale dhakhaatiirta Cisbataalka Berbera iyo haayadaha danbi Baadhista booliska oo sikaashanaya ayaa ku hawlan natiijo laga soo saaro sababta uu Marxuum udhintay iyaga oo aan ilaa hada wax natiijo ah soo saarin lagana sugayo.
Dhinaca kale jufada uu Marxuumka Geeriyooday ka soo jeedo iyo Shaqaalihii uu katirsanaa oo iskaashanaya ayaa kulamo ay arinkaas kaga wada hadlayaan oo goonigooniya ka wada magalaada Berbera.
Marxuumkan ayaa noqonaya marxuumkii afraad ee shil kasoo gaadhay adeega Dekeda ugeeriyooday ilaa markii ay shirkada DP World la wareegtay Maamulka Dekeda Berbera.
Halkan Ka Daawo Sawirada Goobta Marxuumka Uu Laydhku Ku dilay Iyo Xadhkihii Laydhka Ee Qabsaday Oo Wada Hoolan goobtana Daadsan.

Berberatoday.com
COMMENTS
|