War Deg Deg Ah”Dagaal Beeleed Goordhawayd Ka Qarxay Magaalada Buuhoodle+Cidda Diriraysa+Sababta Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Oo Warar Hordhac Ahi Kasoo Baxayaan
August 19, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-War deg deg ah oo hadda naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxa uu sheegaya in goordhawayd dagaal beeleed uu ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
Dagaalkan oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh sababay ayaa waxa sida dad ku sugan magaalada Buuhoodle ay Berberatoday.com u xaqiijiyeen waxa dirirtu dhex maraysaa labada beelood ee Cali Gari iyo Reer Hagar oo wada daga Buuhoodle,kuwaas oo dirirtoodu ay ka Salka Ku Hayso aano qabiil oo soo dhex tiilay labadan beelood sida naloo sheegay.