Muqdisho: 12 Jir Ay Dishay Baaskoolad Aabbihii Leeyahay Oo Uu Ku Ciyaarayey
August 20, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wiil da’diisa lagu sheegay 12-jir, ayaa Habeen hore isku dilay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu isku dhuftay Bastoolad la sheegay in uu lahaa Aabihii.
Wiilka is dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cadnaan Cabdi Cali, waxaana Aabihii uu kamid yahay Saraakiisha ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa Militariga.
Dhacdadan ayaa waxaa ay ka dhacay xaafadda Buun-heere ee degmada Waaberi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.