berberatoday.com
Waa Sidee Xaalada Dekedda Berbera Xiligan?Idaacada BBC-da Laanteeda Afsomaliga Oo Warbixin Ka Diyaarisay
August 20, 2017 - Written by Berbera Today
Maxjarka xoolaha ee dekedda BerberaLahaanshaha sawirkaAXMED SICIID CIGE, BBC HARGEYSA
Image captionMaxjarka xoolaha ee dekedda Berbera

Berbera(Berberatoday.com)-Dhakhtarka xoolaha ee dekedda Berbera Dr. Axmed Xaaji Cabdillahi Ismaaciil ayaa sheegay in dekedda berbera ee Somaliland laga dhoofinayo xoolo gaaraya hal milyan iyo boqol kun oo neef oo loo dhoofinayo dalka Sacuudiga xiligan xajka.

Xoolahan oo ka yimaada guud ahaan deegaanada Soomaalida degto ee geeska Afrika ayaa ka hor inta aanan la dhoofin waxaa la mariyaa baaritaan caafimaad oo adag, iyadoo dhiiga laga qaado xoolaha la geeyo sheybar casri ah. Magaalada Berbera ayaa waxaa ku yaalla ilaa saddex maxjar oo lagu baaro caafimaadka xoolaha nool, kuwaa oo ay shuraaku ku yihiin ganacsato Soomaaliyeed iyo maalqabeenno carbeed.

Dhoofka xoolaha ee xajka ayaa waxaa aad u bata dhaqdhaqaaqa shaqada iyo ganacsiga, iyadoo gaadiidka na ay helaan suuq wanaagsan xilligan xajka madaama dhoofka xoolaha uu ku egyahay 5-ta bisha sebtembar.

Axmed Siciid Cige, weriyaha BBC-da ee HargeysaLahaanshaha sawirkaAXMED SICIID CIGE, BBC HARGEYSA
Image captionAxmed Siciid Cige, weriyaha BBC-da ee Hargeysa

Weriyaha BBC-da ee Hargeisa, Axmed Saciid Cige oo maalmahanba howlo shaqo u jooga berbera ayaa galay dekedda berbera markii ugu horreysay tan iyo intii ay la wareegtay sharikadda DP world ee dalka imaaraadka lix bilood ka hor, waxaana jira cabashooyin isdaba joog ahi oo ka imaanaya shaqaalaha muruq-maalka iyo ganacsatada.

Mashquulka ka jira dekedda ayaa sidoo kale caqabad ku noqoqtay adeegyadii kale ee dekedda, waxaana dekedda buux dhaafiyay kunteenaro ay ka buuxaan badeecado ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah, kuwaa oo sheegay in muddo dheer ay ku qaadato in alaabahooda ay kala baxaan dekedda.

Maxjarka xoolaha ee dekedda BerberaLahaanshaha sawirkaAXMED SICIID CIGE, BBC HARGEYSA
Image captionMaxjarka xoolaha ee dekedda Berbera

Axmed Siciid Cige, weriyaha BBC-da ayaa sidoo kale soo sheegaya in maraakiib iyo doonyo raashin gargaar u sida dalka Itoobiya ay ku xanibanyihiin dekedda.

Madaxda maamulka dekedda ee sharikadda DP world ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan cabashada ganacsatada iyo shaqaalaha, waxayna shegeen inay u baahanyihiin ruqsad hadal oo ay ka helaan madaxda sare ee shirkadda. Basle guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera, Jaamac Yuusuf ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii xal loogu heli lahaa cabashada ganacsatada, waxaaan uu BBC-da u sheegay in mas`uuliyiinta shirkadda DP world ay ku qanciyeen in maraakiibta ay u soo kala horreysiiyaan sida baahida dadweynuhu tahay.

Si kasta ba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in shirkadda DP world ay soo wajaheen caqabado, ka diib markii uu dib u dhac ku yimid qalab ay doonayeen inay ku qalabeyaan dekedda berbera.

Maxjarka xoolaha ee dekedda BerberaLahaanshaha sawirkaAXMED SICIID CIGE, BBC HARGEYSA
Image captionMaxjarka xoolaha ee dekedda Berbera

Xigasho BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews