Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya Iyo Qodobada Uu U Socdo
August 20, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Mr. Rory Stewart, ayaa la filayaa inuu maanta socdaal ku yimaado magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Rory Stewart oo shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, ayaa la filayaa inuu maanta yimaado magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxweyne-xigeenka, murashixiinta saddexda xisbi qaran iyo wasiirka arrimaha dibadda, waxaanu kala hadli doonaa guud ahaan xidhiidhka Ingiriiska iyo Somaliland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Somaliland ku soo waajahan November 2017, iyadoo uu Ingiriisku hore u sheegay inuu bixinayo dhaqaalaha ku baxaya kormeerayaal caalami ah oo goob-joog ka noqon doona doorashada madaxtooyada Somaliland.