berberatoday.com
Cali Khaliif Galaydh Oo Hargeysa Soo Gaadhay, Maalin Ka Dib Dagaalkii Buuhoodle
August 21, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa Shalay soo gaadhay Magaalada Hargeysa, ka dib markii ka soo kicitimay Degmada Widh-Widh oo Bilihii u dambeeyay Fadhiisin u ahayd.

Cali Khaliif Galaydh oo ay la socdaan Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha ee Khaatumo Kayse Axmed Yuusuf, ayaa waxa Duleedka bari ee Magaalada Hargeysa kaga hor-tagay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada oo ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland u Qaabilsan Wada-hadallada lagula jiro Kooxda Khaatumo.

Illaa hadda lama oga ujeeddada dhabta ah ee Cali Khaliif Galaydh uu Xilligan u yimid Hargeysa, balse Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmaya Xilli Laba Toddobaad Koox ka goosatay Khaatumo ay ku dhawaaqeen inay Cali Khaliiif beddaleen isla-markaana Madaxweyne cusub doorteen.

Sidoo kale, Safarkiisa ayaa yimid Maalin ka dib, markii Degmada Buuhoodle uu ka dhacay Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo la sheegay inuu u dhexeeyay laba Beelood, wallow Warar dambe oo ka soo baxay sheegeen in Dagaalku u dhexeeyay Beel ka mid ah kuwa Dega Buuhoodle iyo Ciidammada Qaranka ee deggan Duleedka Buuhoodle.

Ugu dambayn, Cali Khaliif Galaydh oo aan la ogayn muddada uu joogi doono Hargeysa, ayaa waxa la dejiyey Huteelka Safaari oo ku yaalla Caasimadda Hargeysa.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews