|
berberatoday.com
Dagaalkii Buuhoodle Oo WEJI Kale Yeeshay, Wasiir FARATOON Oo Lagu Eedeeyay Marin-habaabin Iyo Dhawaaq Colaadeed Oo Puntland ka Soo Yeedhay
August 21, 2017 - Written by Berbera Today
Buuhoodle(Berberatoday.om)-Dagaal Sabtidii Doraad ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, isla-markaana sababay Dhimashada Dad gaadhaya 10 Qof, ayaa yeeshay Weji aan ahayn kii markii hore Xukuumadda Somaliland ku sheegtay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Warbaahintu Dagaalkaa wax ka waydiisay ayaa sheegay in Dagaalka Buuhoodle ka dhacay uu u dhexeeyay Laba Beelood oo halkaa wada dega, Dagaalkuna ka dhashay Gacan ku dhiigle Qof dilay, oo Beeshiisu diidday in la Qisaaso.
Laakiin, Taliyihii hore ee Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Abokor Sulub oo sheegay inuu yahay Taliyaha Guuto ka mid ah Ciidammada Qaranka oo deggan Buuhoodle, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Qabtay ku sheegay in sida Buuhoodle wax uga dhaceen aanay ahayn sida uu Wasiirka Arrimaha guduhu Warbaahinta ka sheegay doraad.
Abokor Sulub wuxuu sheegay in Dagaalka ka dhacay Buuhoodle uu yahay Shirqool ay Ciidamo Puntland halkaa ka joogaa ka dambeeyeen, isagoo xusay in markii koowaad ay Ciidammada Puntland Askar ka mid ahi dileen Qof Rayid ah, dabadeedna Ninkii Dilka geystay oo la doonayey in la Qisaaso ay la baxsadeen, suuqana geliyeen in Cidda Dilka geysatay yihiin Ciidammada Somaliland, taasina keentay in la soo weerarro Ciidammada Qaranka ee halkaa deggan, lagana dilo Illaa Afar Askari.
Abokor Sulub oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dagaalka ka dhacay Magaalada Buuhoodle (Doraad) waxa Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ku sheegay laba Beelood oo isku dhacay. Dagaalku laba Beelood maaha, ee Guutadii Ciidammada Qaranka Somaliland ee Buuhoodle lagu ogaa, ayaa Inta Niman soo weerarreen, oo ay ka dileen Afar Askari oo Tuutihii Ciidanka ku lebisan. Markaa waxa habboonayd in Wasiir Faratoon uu Taliyaha Ciidammada wax waydiiyo ama Ciddii meesha joogtay ee Taliyaha ka ahayd wax waydiiyo, inuu Beel ku tilmaamo Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee koonayaasha kala deggan, ka Xidh-xidh deggan, ka Dhuumay deggan, ka Saax-dheer deggan, ka Ballicad deggan, ka Buuhoodle deggan, ka Sheed-dheer deggan, Aniga ilama Qurux badna in Ciidammada Qaranka Beel lagu sheego.”
Abokor Sulub waxa kale oo uu sheegay “Ciidanka (Buuhoodle) Deggan Anigaa Taliye ka ah, markaa shaqaaqada ka dhacday Buuhoodle iyo Nimanka wax geystay Annagu shaqo kumaanaan lahayn, kuna Milmi-mayno Qabiilka, laakiin Ciidan Lebisan oo Derajii leh oo la laa’yey waxaanu u haysannaa Puntland, oo imikana ku soo socota Buuhoodle. Haddiise Ciidanka la yidhaahdo Beel baad tihiin Arrintu way ka sii fogaanaysaa halka ay imika taagan tahay, markaa waxaan qabaa inaan Arrintaa (hadalkaa) mar dambe loo noqonin, haddii Wareysi loo baahdana hala waydiiyo Taliyaha Ciidammada ama Taliyaha Aagga bari.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in Dilka Ciidammadaasi u haystaan Maamul-gobolleedka Puntland “Puntland baanu u haysannaa Afarta Askari ee laga dilay Ciidammada Qaranka Somaliland, waxaanuna u sheegaynaa inaanu samayn doono inay iyaguna wax ka xun la kulmaan.”
Abokor oo la waydiiyey waxa keenay in la soo weerarro Ciidammada Qaranka “Markii hore waxa la dilay Nin Shacab ah, waxaana dilay Ciidan ay Puntland leedahay, dabadeedna Ciidankii Puntland laftoodii baa soo qabtay Ninkii (Dilka geystay), dabadeedna halkii ay Beesha uga dhiibi lahaayeen, waxayna suuqa geliyeen in Ciidammada Somaliland ay Ninkii intay soo qabteen ay la fakadeen, arrintaas ayaa keentay.”
Dhinaca kale, Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa caddeeyay inay ka soo horjeedaan in Somaliland ay Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka geyso Gobollada bariga ee Maamulkaasi Mulkiyaddiisa sheegto.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa muujiyey inay wax ka ogyihiin Ciidammo ka tirsan Booliiska Somaliland oo lagu laayey Magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaalo ka haya Goob laga qaadanayey Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada Somaliland.
“Annagu diyaar uma nihiin doorashooyinka la sheegayo in meeshan ay ka dhacaan, waad ka war haysaa dhowr meelood oo ay isku dayeen in ay gali waayeen, Askar-na lagaga dhaawacay sanduuqyadii laga qabsaday”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aanay faraha ka laaban doonin in Somaliland ay Gobollada bariga ka samayso dhaqdhaqaaq la xidhiidha Doorashooyinka “Anigu waxaan leeyahay ammaanka iyo xasiloonida ha lagu dedaalo meel kastaba. kolay annagu daandaansi gali mayno, balse haddii aan aragno in ay soo galaan faraha ka laaban mayno ”
Toddobaadkii hore ayaa Xilli habeennimo ah waxa Magaalada Laascaanood lagu dilay Laba Askari oo ilaalo ka ahaa Goob laga qaadanayey Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka Somaliland. Taana waxa ka sii horreysay in la weerarray Goob laga qaadanayey Kaadhadhka Cod-bixinta oo ku taallay Laascaanood.
Dilka labada Askari iyo dhaqdhaqaaqyada Nabadagalyo-daro ee ka socda Sool, ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedaysay wax ay ku sheegtay Argagixiso, laakiin hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa muujin kara in Puntland ku lug-leedahay Dilalkaasi.
Ugu danbayn, Puntland iyo Somaliland ayaa ku muransan gobolo ay ka mid yihiin Sool iyo Sanaag ,waxaana marar hore soo dhex-maray xiisado ka dhashay muranka dhanka xuduudka la xiriira oo sababay khasaarooyin kala duwan.
Berberatoday.com
COMMENTS
|