Dekeda Berbera Oo Saaka Biyihii Badu Ku Fataheen Iyo Sababta Keentay
August 21, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Waxa Saaka markaliya Dekeda Berbera Kusoo fatahay Biyaha bada iyada oo Saaka subaxnimadii ay dabayl xoogan oo bada kicisay dhacaysay magaalada Berbera Waxaana Mar kaliya la joojiyay shaqadii Maraakiibta Rarka rogaayay maadama oo kaalalkii Maraakiibta Hoostooda ee barxada Dekeda ay biyaha Bada ee dekeda sabadeeda kasoo booday ay fadhiisteen.
Sababta Keentay inay Biyaha badu kusoo boodaan Barxada Dekeda ayaa waxa loo malaynayaa siday horeba usheegeen khuburo dhinaca Dekedaha iyo qaabka Loo dhiso ku takhasusay buuxinta Goobta loo yaqaan BBC-da Ee Berbera oo ah Goob ay biyaha Badu ku nafisaan oo hada shaqsiyaad ganacsato ah Xukumada Sare ee Somaliland soo siisay lana buuxinayo Oo Dhagax Iyo Ciid Baryahanba lagu daabulaayay goobihii badu ku nafisi jirtay Xiliyada ay Soo Buuxsanto iyada oo Hutelo ganacsi laga dhiganayo, Taas ayaa loo malaynayaa inay keentay Cabudhka Biyaha Bada ee Dekeda Kusoo fatahay Saaka ee shaqada loo joojiyay.