berberatoday.com
Shirkadii DP World oo si fool xun ugu fashilantay Hawl-maalmeedkii iyo Maareyntii Dekeda Berbera . qalinkii A/rahman fidhinle
August 21, 2017 - Written by Berbera Today
Qofka maanta ku dooda Mashruuca DPW ku maalgelinayo Dekeda Berbera wuu fashilmay , la yaab ma laha , maxaa yeelay wuxuu ka saadaaliyey saan-saankeeda muuqda iyo hagaaska iyo hoos udhaca maamul ee ku habsaday agaasinkii maamul ee Dekeda mudadii koobneyd ee Shirkada DPW ay maamulaysay Dekeda Berbera.
Mudo gaadhaysa ilaa iyo 6 bilood oo shirkada DPWorld maamulaysay Dekeda Berbera ayaa lagu suntay maamul-xumo baahsan habka ay shirkaasi u maamusho waayadan danbe Dekeda Berbera. Waxaa laga dhawaajiyey in ay dhamaan hagaaseen hab-sami usocodkii howlihii Waaxda farsamada oo shaqadeedu aheyd rarista iyo dejinta xamuulka dekeda. Waxaa ramiimka noqday oo bur-buray haykalkii iyo jaran-jarooyinkii wada shaqeyneed ee shaqaalaha kala duwani ay shaqada ku wadaagi jireen.
Waxaana  laga dhaqaajiyey caqabadahan badan ee hoose oo wada run ah :
1- Waxaa wada ragaaday dhamaan qalabkii loo isticmaalayey rarista iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee Dekeda taas oo keentay in maraakiibta iyo Doonyahaba aan xamuulka laga rogin lana rarin mudo dheer.
2- Waxaa fadhiid noqday Taagii Maraakiibta iyo Dooonyaha soo xidhaayey , taas oo keentay in ay Maraakiibta iyo Doonyuhu mudo aad udheer ay gaafwareegaan badda  dhexdeeda oo aan Dekeda lagu soo xidhin mudo dheer.
3- Waxaa dhacday in aan shaqaalihii rarista iyo dejinta aan mushaharkoodii iyo xuquuqdoodii midna in aan weli la sugin, taas oo keentay niyad jab-shaqaale.
4- Waxaa isna is bedelay khadkii Maraakiibtu soo mari jireen oo markii hore ahaa Jabal-Ali- Berbera oo hada noqday Jabal-Ali- Muqdisho-Berbera taas oo badeecado Berbera ka degi lahaa ay hada Muqdisho ka degaan taasoo iyana sii shidaalinaysa   sicir-bararka dalka ku habsaday mudooyinka danbe.
5- Waxaa goobihii barxada ahaa ee shaqadu ka socotay buux-dhaafiyey Koontaynaro madhan oo waayey Maraakiib qaada kuwaas oo xanibey howl maalmeedkii Dekeda
6- Ka dib markii la kala jaray Dekedii Weyneyd iyo Dekedii yareyd iyada oo aan shaqaalaha loo qaybin loona  tababarin shaqo qaybsi ,taasina waxay keentay is-dhexyaac iyo dib u dhac shaqo iyo hoos u dhac ku yimaada habsami usocodkii howl-qabadkii Dekeda ee maalinlaha ahaa.
7- Waxaa Dekeda aad ugu batay dhaawaca shaqaalaha iyo bur-burka alaabta ka soo gaadha Dekeda gaar ahaan gaadiidka taas oo aanay jirin cid loo raaco dhaawacaa.
8- Waxaa hoos u dhac ku yimi dhoofkii xoolaha kooban ee Doonyuhu qaadi jireen gaar ahaan xoolihii Cumaan doonyaha loogu  dhoofin jiray
9- Waxaa daxalaystay wiishashkii wax lagu dejin jiray,laguna rari jiray taas oo keentay in aan Maraakiibta iyo Doonyaha waxba laga dejin mudo dheer
10- Waxaa is dul-baxay Gaadiidkii  saanaadka Xamuulka qaadi jiray markii waqtigu ku dheeraaday oo la rari waayey gaadiidkii rarka u yimi Dekeda.
11- Waxaa la kordhiyey Cashuurtii saabaanada/ alaabta qaar , gaar ahaan qalabka dhismaha iyo bagaashkaba
12- Waxaa aad ubatay cabashooyinkii Ganacsatadii Dekeda isticmaalaysay ee wax kala soo degaysay oo hada ku goodiyey in ay Boosaaso ama jabouti u wareegi doonaan
13- Waxaa dhacday in dhawaan Maareeyaha shirkada DPW uu qadarin waayey oo dheg-jalaq u siin waayey Wasiiradii cabashooyinka u soo gudbiyey si ay isaga ula wadaagaan. Dhamaan qodobadani waxay hoos u sii ridayaan ganacsiga iyo dhaqaalaha kooban ee dalkeena ,waxaana ay sii shidaalinayaan sicir bararka dalka ka jira.
Waxaa laga filanaayey in Mashruucan DPW uu Dekeda deg-deg u horumarin doono oo uu dhalinyarada Somaliland fursado u furi doono oo uu shaqo u abuuri doono
Laakiin taasi may dhicin ee intii dhalinyaro iyo cirooleba hore uga sii shaqeynaayey ayey badh ka sii dareeriyeen. Waxaa iyana ilaa iyo labadii bilood ee ugu danbeeyey laysla dhex-maraayey qalab cusub baa la keenayaa oo howshii balaadhinta dekeda ayaa la bilaabayaa laakiin ilaa iyo hada waxba kama soo naaso cada. Waxaa waxgaradka reer Somaliland isku wada raaceen in Xukuumadu ku deg-deg tahay Wareejinta Dekeda Berbera iyo Saldhiga Berbera ee ku hoos qarsoon mashruucan maalgelinta Dekeda Berbera oo hada iska noqday mashruuc  fadhiid ah oo fashilmay.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews