berberatoday.com
Isaga Oo Wiil Yar Ah Kana Soo Jeeda Qoys Faqiir Ah Ayuu Niyadiisa Galiyay Inuu Madaxweyne Ka Noqdo Dawlada Aduunka Ugu Awooda Badan Waanu Ku Guulaystay W/Q Abdulahi Nur Colombo
August 22, 2017 - Written by Berbera Today

Iyadoo ay arday yar yar fadhiyaan Galaaska ama Fasalka Iskuul ku yaala dalka Mareykanka ayaa nin Macalin ah waxuu caruurta weeydiiyey marka ay weynaadaan arday weliba waxa uu jecel yahay inuu mustaqbalka noqdo,dabeedna wiil da’a yar oo la yiraahdo: Bill Clinton ayaa waxa uu ku yiri macalinkiisi: “waxaan doonayaa mustaqbalka in aan madaxweyne ka noqdo dowladda dunida ugu xooga badan ee Mareykanka”

Wiilkaa yar marka uu sidaa uu u leeyahay hooyadii waa garoob ama carmal faqiirnimana ku darsatay iyo waliba isagoo kasoo jeedo tuulo ay ku nool yahiin dad iska faqiir ama sabool ah.

Macalinkii iyo ardaydii ayaa ku qoslay, xataa dariskii iyo qaraabadii ayaa ku maadsaday kuna qoslay markay maqleen hadalkiisa geesinimada xambaarsan waxaana ay ku dhaheen: “waa wiil yar oo riyo aan suura gal aheyn ku jira”

Laakiin wiilkii yaraa isma dhiibin mana niyad jebin, waa dadaalay oo wax bartay oo shaqeeyey ilaa uu xaqiijiyey wixii uu ku taamayey ilaa yaraantiisii isagoo markii uu siyaasada galay gudoomiye ka noqday gobolka Arkansas ugu dambayntiina waxuu noqday madaxweyneha dalka Mareykanka.

Dulucda dhacdadani ay xambaarsantahay waxa weeyaan in qofku uu yeesho Han sare waayo waxaa la yiri dad waxaa ugu faqrisan ruuxii riyada faqri ku ah, hadiiba aad wax ku haminaysid ku hami in aad gaartid halka ugu saraysa ee qof bani aadam ah uu gaari karo waayo hadii aad geeriyooto adiga oo aan gaarin halki aad tiigsanaysay ogoow waxaad geeriyootay adigoo dad badan ka sareeya.

Waxaad ogaataa hadii aad dadaasho oo aad Alle ( سُبْحَانَهُ وَ تَعَالَى ) tala saarato waxaad noqon kartaa wixii aad doonto adigaana mudnaan doona in wanaaga lagaaga daydo hadaba iska daa in aad cidkale iska yeel yeesho adigoo laga yaabo in aad awood u yeelan karto in aad noqoto hogaanka sare.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Abdulahi Nur Colombo 
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews