Marxuumkii Labaad Oo Kamid Ah Shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera Oo Todobaad Gudihii Ku Geeriyooday Dekeda Iyo Sababta Dhimashadiisa Lala Xidhiidhiyay
August 23, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Alle Ha Unaxariisto Marxuum Saleebaan Nuur Maxamed(Ina Gunti Gaab)oo Kamida ahaa shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera ee Geelayaasha ayaa xalay Dekeda ku geeriyooday isaga oo naf la caari kala soo cararay sida la sheegay goobta uu ka shaqaynaayay oo ahayd Markab sibidh laga rogaayay isaga oo Marxuumku kusoo dhacay afaafka hore ee Dekeda Berbera laga galo halkaasna laga qaaday markii Cisbataalka La Geeyayna uu islamarkiiba Geeriyooday.
Marxuumka ayaa xiliga uu naf lacaariga layimi kadinka laga galo Dekeda weyn ee Berbra la sheegay in jidhkiisa uu ka muuqday sufurta iyo boodhka sibidhka uu ka shaqaynaayay Marxuumka Geeriyooday oo kamida ahaa xamaaliinta Dekeda Berbera.