berberatoday.com
Wasiir Cali Mareexaan Oo Ka Hadlay Tacdi Bina,aadamnimada Ka Baxsan Oo Shaqaalaha Diyaarada Fly Dubai Kula Kaceen Haweenay Muwaadinad Somalilander Ah Oo Caruur Yaryar Wadata Oo Sababtay Inuu Diyaaradaas Uu Raaci Lahaa Ka Hadho Wasiirku
August 26, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Cali Maxamed Xasan(Cali Mareexaan)ayaa Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu kaga hadlay dhacdo shalay uu kala kulmay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International, dhacdadaas oo ahayd inuu la kulmay isaga oo diyaarada Fly Dubai raaacaya gabadha reer somaliland ah oo ilme yar sidata oo diyaarada khasab lagaga rogaayo. Qoraalka wasiirku Bartiisa facebooka soo dhigay ee uu dhacdadan kaga hadlaayo ayaa sidan udhignayd”

“Gabadhani waa Somalilander waxay sidataa ilmo yar waxay u socotay UK waxay airport Hargaysa timi 4.30 am si ay uraacdo Flydubai, anigu waxaan airport imi 6.40am si aan u raaco Flydubai.

Hase yeeshe gabadhi iyo ilmaheeiiba waxaa diyaaradi lagaga soo rogay khasab. Diyaaraada waxaala fuulay 7.40am gabadha iyo ilmeheedi waxay fadhisteen kursigii loogu talo galay hase ahayee islaan waayeel ah oo aan kici karayn ayey isu bedeleen kursigii.

Wax yar ka dib inan cadaan ah oo shaqalaha diyaada ka mid ah ayaa u timi gabadhii waxay u shegtay in ay kursigedii ku fadhisato waxay ku tidhi ka daaqada ma fadhisan karo waayo ilmo yar ayaan haystaa waxaa laga yaaba in aan kackaco oo aan musqusha u baahdo.

Gabadhi shaqalaha ahayd way ku adkaysatay. Ninkale oo rakaabkii diyaarada ah ayaa yidhi kayga ha fadiisato. Gabadhii shaqaalaha diyarada ahayd way cadhootay waxay u tagtay captain_ kii diyaarada waxay go’aan ku gadheen in gabadha iyo ilmaha yarba diyaada laga dejiyo.

Waxaa diyaradii soo fuulay shaqaale somali ah oo u shaqaynayey Flydubai waxay gabadhi u sheegeen in ay ka degto diyaarada waxay tidhi maxaan sameeyey waxaa lagu yidhi waxaad cayday inan shaqaalaha diyaarada ka mid ah waxay tidhi cidna maan caayin Laakin lama dhegaysan.

In yar ka dib ayaan soo dhexgalay inamadii Somaliga ahaa waxay ii sheegeen in aanwax wayni jirin laakin captainku amar bixiyey waxaanay iga codsadeen bal in aan kabtanka ladlo. Kabtankii ayaan ugu tegey qolka diyaarrada laga wado waan isu sheegay wuu soo yara kacay wuu isasoo taagay waxan ka codsaday in aan gabadha iyo ilmaha yar la dejin wuxu iiishegay in ay go’aan ku gaadheen in aanay racin gabadhaasi diyaaradii waxay habsaantay saacad iyo toban daqiiqo.

Markii uu aniga iyo managerka airprortka naga diiday waxaa telefon kula soo hadlay wasiirka duulista hase yeeshee insa waa la diiday. Markaa waxaan anigu go’aan ku gaadhay in aniguna aan ka dego diyaarada.

Inkasta oo ay isku dayeen in ay igu qanciyaan in aan raaco diyaarada hadana waxaan soo raacay gabadhii ilmaha yar sidatay.Sidaas ayaa aniga iyo gabadhiiba aanu kaga hadhnay diyaaradii. Waxaa ila soo hadlay markiiba regional diractorka Flydubai wuxuu iisoo garaacay apolog lakin waxaan u sheegay inuu raaligelin siiyo miskiintaa la dulmay shaqaaloodana waxay sameyeen ay ahayd masuuliyad daro. waxaanu iminka raacaynaa Daalo ama Juba.

Hadaad arki jirteen airhostess jajaban oo rakaabka soo dhaweeya oo dhoola cadaynaya oo caruurta iyo waayeelka caawinaya iminka waxa soo baxay kuwa laad kaga soo rogaya diyaarada

 

Waxa Qoray Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Gureyaynta

Cali Maxamed Xasan(Cali Mareexaan)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews