Gudoomiyaha Gobalka Awdal Oo Ka Hadlay Shaqo Ka Joojinta Uu Ku Sameeyey Madaxweyne Ku Xigeenku
August 29, 2017 - Written by Berbera Today
Borama(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa waxaa uu habeenkii xalay aheyd uu soo saaray warqad uu shaqada kaga joojinaayo badhasaabka gobalka Awdal Musafe Cabdi Ciise Shiine .
Badhasaabka ayaa waxaa uu ka Hadley shaqo joojintaas waxaana uu sheegay In Madaxweyne ku xigeenku xaq u leeyahay maadama oo uu yahay ku siisimaha madaxweynaha .