Heshiis Cusub: Somaliland Iyo Khaatumo Oo Isku Raacay In Meel Looga Soo Wada Jeedsado Faro-gelinta Dawladda Soomaaliya Iyo Diyaaradaha Oo Loo Digay
August 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland ayaa Heshiis hor leh la saxeexatay Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Dr. Cali Khaliif Galaydh, Heshiiskaasi oo noqonaya kii labaad ee ay kala saxeexdaan intay Wada-hadalladu u socdeen.
Heshiiska cusub ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Khaatumo oo Shalay lagu shaaciyey Shir-jaraa’id oo Guddiyada Somaliland iyo Khaatumo u matalaya Wada-hadalladu ku qabteen Hargeysa, ayaa ka kooban 10 Qodob, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in meel looga soo wada jeedsado faro-gelin Dawladda Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedka Puntland ku hayaan Deegaannada Somaliland ee bariga, gaar ahaan Magaalada Buuhoodle.