berberatoday.com
Siyaasiyiinta Musharaxa Waddani Ku Xeeran Ma Yihiin Kuwo Erayga (Isbadalka) Ee Ay Sheegan Keeni Kara? Mise Waa Iga Dheh
August 29, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Mushraxa xusbiga waddani Md, Cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi (ciro) oo isaga saaxada siyaasada dalku ay ugu horaysay 2005 ti isla markaana xiligaa ilaa bishan aan imika ku jirno horaanteedi ahaa gudoomiyaha baarlamaanka somaliland oo mudo 12sano ka badan kursigaa ku fadhiyay isla markaana aan ahayn mid lagu tilmaami karo siyaasi majuura ama lehba curin iyo hal-abuur siyaasadeed midna, ayaa aqoon-yahanka ku xeeran oo idil ahaantoodba xukuumadan iyo xukuumadihii ka horeeyay ba xilal sarsare ka soo qabtay ay marwalba fagaarayaasha la taagan yihiin ereyga ISBADAL, kalmadaas oo micno wayn iyo xigmadiba ku duugan tahay balse iyagu aanay ahayn kuwo qiimaynteeda garaadkoodu gaadhsiisan yahay garashadeeda, sababtoo ah waxa iswaydiin noqonaysa yaa keena isbadalka yaase samayn kara? jwaabta suaashasi waa ay noqonaysa waxa keeni kara marka isbadalloo baahdo waa dhiig cusub oo leh curin ama hal-abuur siyaasadeed oo lagu jaan-gooyo hirgalinta hawlaha qaranka ee umada masuulka looga noqonayo.

 

Siyaasiyiintan wajigoodu inta badan soo hortaagna shacbiga oo mid kastaaba ay ku maqan tahay eel iyo xilkasnimo daro ay kaga wada tageen xilalkii ay soo qabteen oo shacbigu si fiican u wada garanayo xusuustoodana ku xardhan tahay midkastaaba intii uu falay ayaa hadana umada la soo hor-taagan waxaanu nahay Isbadal doon, miyaanay ahayn kuwii tagtadii ina dhaaftay mayalka u hayay xilalka qaranka ee dalka iyo dadka ka masuulka ahaa waa maxay isbadalka ay keeni karaan maxaase ay u samayn waayeen isbadal iyo horumarka ay ku baaqayaan markii ay xilalka ka hayeen dalkan.

Xusbiga waddani oo maalmahan u danbeeyay isagu guul bidayay shan siyaasi oo wasaarada arimaha gudaha soo qabtay ayaa ku soo biiray waddani isla markaana miisaankii siyaasiyiinta Isbadal doonka ah ayaa sare u kacay, ayaa badiba shacbiga reer somaliland amakaag iyo afkala qaad ku noqotay.

Markaad eegto shanta nin ee soo maray wasaarada arimaha gudaha ee ay sheegayaan waa c/laahi ciro, axmed jaambiir, duur, gaboose, iyo ismaaciil yare, shantaasi ba hadii aad wax qabadkoodii iyo wax yeeladoodii isbarbar-dhig ku samayso waxa kuu soo baxaysa inay ahaayeen shantuba, kuwo aan dalka iyo dadka toona dib loo horkeenen oo haday tahay tacadi iyo ku tagrifal awooda dawliga ah waa kuwo safka hore ka galaya, haday tahay musuq-maasuq ama eex iyo qaraabo kiil intaba waa wax yaabahay ku caanka ahaayeen oo qaar ka midi waxaaba laga xusi karaa inay askartii ilaalinaysay ay ka cuneen mushaharkoodii oo sidaa xilkii lagaga qaaday halka qaar kalena ay gaadiidkii wasaarada u isticmaalen sifo qaldan oo suuqa madaw si qaawan laago iib geeyay, waa tusaalayaasha ugu fudud oo qaarkood ayaaba caruurtii ubaxa dalka ahayd rasaas la dhacay oo tiro aan qiyaas lahayn ku leedeen oo nafahoodii ku maqan yahay.

Hadaba raga sidaas ah maanta marka ay leeyihiin isbadal doon baanu nahay waa sidee isbaalka ay sheegayaan ma aynu dalka rogno baa mise waa aynu boobno mise waaba aynu qaranimada xaraashno, intaa meelna loo dhaafi maayo waxse ay moogan yihiin in shacbiga reer somaliland ay bislaadeen oo foojignidooda ay meel sare gaadhay.

 

 

C/risaaq Maxamed Axmed

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews