Musharraxa Waddani Oo Magacaabay 9 Guddi, Oo Ka Kooban 121 Xubnood
August 30, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay 9 Guddi oo kala duwan, si loo dardar-geliyo hawlaha Xisbiga, maaddaama oo dalku galayo wakhti doorasho iyo olole.
Guddiyada uu magacaabay Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa kala ah; Guddiga Difaaca iyo Arrimaha gudaha, Guddiga Siyaasadda arrimaha dibedda, Guddiga Cadaaladda, Guddiga Warbaahinta, Guddiga Hawlaha Guud, Guddiga Dhaqaalaha, Guddiga Khayraadka Dabeeciga ah, Guddiga Abaabulka iyo Xidhiidhka gobollada iyo Guddiga arrimaha Bulshada.
13 Marwo. Kinsi Xuseen Qawdhan