Dhul Gariir Laga Dareemay Kuuriyada Waqooyi + Shaki Laga Qabo In Ay Tijaabisay Niyukleer
September 3, 2017 - Written by Berbera Today
North Korea(Berberatoday.com)-Dhul gariir ayaa laga dareemay Kuuriyada waqooyi,taasi oo dhalisay in la
isla dhex maro war sheegaya in Kuuriya wuqooyi ay tijaabisay markii lixaad hubka Niyukleerka.
Khubaro Maraykan ah ayaa waxa ay sheegeen in gariir cabirkiisu yahay 6.3 ah cabirka dhul gariirda lagu qiyaaso laga dareemay wuqooyi bari dalkaasi.
Khubarada ayaa waxa ay intaa ku dareen in ay suuragal tahay in dhul gariirka uu ka dhashay qarax.