Shirkada DP World Oo Bilawday Shaqadii Dhismaha Iyo Ballaadhinta Dekeda Bosaso Iyo Hirgalinta Mashaariic Horumarineed Oo Bulshada Putland Loo Qabanayo Xili Aan Tii Dekeda Berbera Ee Ka Horeysay Waxba Ka Hirgalin
September 3, 2017 - Written by Berbera Today
Bosaso(Berberatoday.com)-Waxaa Magaalada Bosaso Dhowaan Soo Gaadhay Teemkii Ugu horayay Ee Bilaabi lahaa Mashruucii Weynaa ee Lagu Dhisayey Dekeda Magaalada Bosaso oo dhowaan ay dawladda Puntland la gashay Shirkada DP World Heshiis Lagu Wareejiyeyo.
Shaqaalaha soo gaaray Bosaso ee ka Socday Shirkada ayaa waxay diyaariyeen Guryihii iyo Xafiisyadii lagu sii shaqayn lahaa Inta la keenayo Qalabkii badnaa ee shaqada lagu dhamaystiri lahaa.
Waxaana dhowaan la filayaa in ay magaalada Bosaso soo garaan wafdi ballaaran oo ka socda Shirkada DP World.