War Deg Deg Ah”Mudaharaad Ay Dhigayaan Mukhalisiinta Dekeda Berbera Badeecadaha Ka Cashuura, Wadayasha Gaadiidka Xamuulka Ka Qaada Dekeda Iyo Shaqaalaha Muruqmaalka Ah Oo Berbera Ka Socda Iyo Sababta
September 4, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Saaka waxa ka socda Magaalada Berbera mudaharaad salmiya oo ay dhigayaan mukhalisiinta Dekeda Berbera badeecadaha ka cashuura iyo Wadayaasha gaadiidka Waaweyn ee xamuulka qaada iyo waliba shaqaalaha xoogsatada ah ee Dekeda Berbera uxamaalis taga,
Mudaharaadkan oo sababay shaqo joojin ay sameeyeen mukhalisiinta ganacsatada Dekeda Berbera badeecadaha uga cashuura iyo wadayaasha gaadiidka xamuulka ka qaada Dekeda iyo qaar kamida dadka sida dadban uga xoogsada Dekeda Berbera ee isugu jira gacan yarayaasha iyo xamaaliinta badeecadaha tafniida ayaa salka ku haya amaro culus oo shirkada Dekeda Berbera Maamusha ee DP World kusoo rogtay cid kasta oo Dekeda Usoo Xoogsi tagta ama shaqo kuhaysa noocy doontaba ha ahaatee.