Nuxurka Heshiis Dhex-Maray Kooxda Xisbullah Iyo Ururka Daacish
September 5, 2017 - Written by Berbera Today
Syria(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha kooxda Xisbullah ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Syria Bashar Assad, si uu ugala xaajoodo heshiis boqolaal ka tirsan maleeshiyada Daacish looga daad gureeyey xuduudda Syria iyo Lebanon horraantii toddobaadkan.

Khudbad uu khamiistii jeediyey ayuu Hassan Nasrallah ku sheegay inuu Assad weydiistay inuu aqbalo heshiiska oo lagu beddeshay inay xubnaha Daacish bixiyaan akhbaar ku saabsan sagaal askari oo Lebanese ah oo la qabsaday sanaddii 2014.