XUSKA IYO XUSUUSTA: Danjire Cabdiraxiim Caabbi Faarax
September 5, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Meel walba oo aad tagtid, waxaa ordaya charlatans iyo chameleons. Waa sababtaas sababta Soomaaliya ay god ugu sii dhacayso maalin walba, halkii la filaayey inay ka soo baxdo godka. Maanta ninkii la raadin lahaa intuusan la dhiman wuxuu ogyahay, ee talo laga weydiin lahaa siyaaasadda Itoobiya, oo la wici lahaa waa Cabdiraxiim Caabbi Faarax Maxamed Buureed, oo ahaa Safiirkii u horreeyey ee Soomaaliyeed ee magaalada Addis Ababa, oo kaddib noqday Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, isagoo uga sii gudbiyay xilka Ku-Xigeenka Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay.
Safka Midig, Xuseen Nuur Cilmi, dhexda, C/raxiin Caaba Faarax iyo bidix Cumar Carte Qaalib
1961-kii illaa 1963-kii, Cabdiraxiim wuxuu safiir ka ahaa Itoobiya. 1965-kii illaa 1972-kii, wuxuu ahaa Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay. Si ku meel gaadh ah, wuxuu 1966-kii noqday Kusimaha Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. 1973-kii illaa 1978-kii, wuxuu ahaa Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay. 1979-kii illaa iyo 1990-kii, wuxuu ahaa Ku-xigeenka Xoghayaha-Guud. Waa ninkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee darajadaas weligiiba gaadhay.
Sannadkii 1989-kii, isaga oo aad u murugeysan, wuxuu Cabdiraxiim u sheegay Dr Alice Bettis Hashim, oo xilligaas PhD ka qoraysay siyaasadda Soomaaliya, in qaar ka mid ah qoyskiisu ay ku dhinteen duqeymihii ay calooshood-u-shaqeystayaal South African ah, oo ay soo kireysteen taliskii Maxamed Siyaad Barre, ay ka geysteen Hargeysa. Markii ay Soomaaliya burburtay, wuxuu Cabdiraxiim tagay magaalada Berbera, halkaas oo uu ka sameeyey hay’ad wax u qabata dadka ku naafoobay miinooyinka, wuxuuna nolol u abuuray dad badan oo ay miinooyinku naafeeyeen.
Laba sano ka hor, anigoo shir u tagay Wales, waxaan booqday gurigii uu ku soo koray oo ku yaalla Thompson Street. Waxay ahayd xusuus xamaasad leh in meeshaas uu ku dhashay wiil qiime weyn ugu fadhiistay dhismaha qaran Soomaaliyeed, kontomeeyadii iyo lixdameeyadii. Iyaga oo sharfaya taariikhdaas qiimaha leh (dadkiisa, dalkiisa iyo dibadda-ba uu ku taray) ee Cabdiraxiim u soo jiiday magaaladooda ayaa dadka deggan
Berry waxay magaciisa ku dareen Black History Month bishii December ee sannadkii 2014. Su’aashu waxay tahay: Soomaali ma ku hadheen wax qiimeeya dadkooda qiimahaas leh?.
W/D: Maxamed Xaaji Ingiriis