Ma Dhabaa In Mayar Cabdalle Maxamed Carab Ku Biirayo Xisbiga Waddani?
September 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maayirkii hore ee magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo hadana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera ayaa la filayaa inuu dhawaan ku biiro xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Sida ilo xog ogaal ahi u xaqiijiyeen Warbaahinta Madaxa banaan Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalla Sandheere) ayaa 15-ka bishan September ku soo biiraya xisbiga WADDANI, kadib kulamo uu la yeeshay madax sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI, ayaa la sheegay inuu ku qancay inuu ka mid noqdo Xisbigaas Waddani.